Madaxweyne Axmad Madoobe Oo booqday Degaanka Baar sanguuni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday fariisimaha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubada Hoose.

Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu booqday deegaanka Baarsanguuni halkaas oo dhawr bilood ka hor laga saaray ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhaw oo ay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ka wadaan hawlgallo sifayn ah isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan iyadoo Al-Shabaab laga saarayo deeganada ay wali ku sugan yihiin.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in uu halkan u yimid si uu wakhti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.

Ururka Al Shabaab ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo in weerar midaysan lagu qaado taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.