Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Ahmed Mohamed Islam, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow, kaas oo lagu xoojinayo nolosha iyo isku-filnaanshaha bulshada deegaanka.
Mashruucan oo uu maalgelinayo African Development Bank, isla markaana ay ku baxeyso lacag dhan 21 milyan oo dollar, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta adkeysiga bulshada, yareynta ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha, iyo horumarinta fursadaha dhaqaale si loo gaaro nolol waarta oo bulshadu ay isku filnaato.
Mashruuca ayaa diiradda saaraya dhismaha ku dhawaad 2,000 oo guri oo loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul, hirgelinta kanaallo waraab ah iyo beero wax-soo-saar leh, kobcinta xirfadaha dhalinyarada iyo haweenka, iyo awood-siinta bulshada danta yar si ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ka jira deegaanka.
Sidoo kale, mashruucu wuxuu ka qeyb qaadan doonaa horumarinta wax-soo-saarka beeraha, abuurista shaqooyin cusub, iyo kor u qaadidda tayada nolosha shacabka ku nool degmada Doolow. Dowladda Jubaland ayaa sheegtay in mashruucani uu door weyn ka ciyaari doono xoojinta adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta dhibaatooyinka ka dhasha barakaca, isbeddelka cimilada iyo caqabadaha dhaqaale.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku bogaadiyay dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo horumarka waara, dib-u-dejinta barakacayaasha, iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka degmada Doolow iyo guud ahaan Jubaland.