Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Daahfuray Mashruuca Bulsho Ee Lagu Xoojinayo Dowladaha Hoose iyo Ka-Qaybgalka Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Bulsho, oo ah hindise horumarineed oo lagu xoojinayo dowladaha hoose, korna loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, isla markaana lagu dhisayo iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo shacabka.

Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kobcinta horumarka deegaanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo awoodsiinta bulshada iyo hay’adaha dowladaha hoose ee heer degmo, tuulo iyo xaafad. Mashruuca Bulsho wuxuu sidoo kale muhiimad siinayaa xoojinta wadajirka bulshada, kor u qaadista ka-qaybgal loo dhan yahay iyo dhisidda bulsho adkaysi leh oo si dhow ula shaqeysa maamullada deegaanka.

Munaasabadda daahfurka mashruuca oo ay ka qayb galeen masuuliyiin heerar kala duwan ah, ayaa Madaxweynaha Jubaland ku sheegay in mashruucan uu kusoo beegmay xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda dowladaha hoose. Waxa uu tilmaamay in Mashruuca Bulsho uu yahay fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka, laguna kordhinayo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan qaadashada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xusay in dowladnimo xooggan lagu gaari karo iskaashi dhab ah oo ka dhexeeya shacabka iyo hay’adaha dowladda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in bulshada lafteedu ay laf-dhabar u tahay guusha qorshe kasta oo horumarineed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Baanka Adduunka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Jubaland kaalinta ay ka qaateen maalgelinta, qorsheynta iyo hirgelinta mashruucan. Waxa uu bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, adeegyada bulshada iyo awoodda hay’adaha dowladaha hoose.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada bahwadaagta caalamiga ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta horumar waara, kobcinta hay’adaha heer deegaan iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh bulshada reer Jubaland.