Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qeyb galay Carwo lagu soo bandhigayay doorka haweenka ee ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha Jubaland, taas oo lagu soo bandhigay hal-abuuro kala duwan oo ganacsi oo ay hormuud ka yihiin haweenka Jubaland.
Carwadan ayaa ahayd mid lagu muujinayay kartida, dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay ganacsiyo kala duwan, farsamooyin cusub iyo badeecooyin ay sameeyeen haween ganacsato ah.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku bogaadiyay haweenka Jubaland dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto taageerada haweenka si ay uga qeyb qaataan horumarka guud ee Jubaland.