Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Oo Xarigga Ka Jaray Xafiisyada Cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland.
Xafiisyadan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hannaanka shaqo, korna loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu bixiso.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada joogtada ah ee Wasaaraddu wado, isaga oo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda inay sii laba jibaaraan dadaallada ku aaddan horumarinta kaabayaasha biyaha iyo tamarta.