Madaxweyne Dani Oo booqday Wasaaradaha Dowlada Oo kuyaal Garowe

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah Wasaradda Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasi oo kala ah, Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtayta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, waxaana uu mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la Qaatay Wasiirka Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaraddaasi iyo Agaasimaha Guud , waxaana uu bogaadiyay shaqada ay hayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), Wasiir Ku-xigeenka Maxamed Bashiir Cabdullaahi iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi,

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee ay yeelan doonto Wasaaraddu iyo xafiisyada Waaxaha Wasaaradda oo dhammaantood ku guda jira hawlahooda shaqo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ee uu maanta kormeeray ku booriyey inay sii laba-jibaaraan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda.