Madaxweyne Dani Oo daahfuray Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka ambabixiyo dhakhaatiirta soo tallaali doona 5 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkooda.

“Runtii waxaa farxad maanta noo ah in aan daah-furayno shaqo hal bowle u ah horumarka Puntland, sida la sheegey dhaqaaleheenna waxaa laf-dhabar u ah xoolaha. Waxa xooleheenna marar badan suuqyadii loo dhoofin jiray looga xiray xanuun dartii, waxaan aad ugu rajo weynahay in Puntland ku guuleysato inay dhammaan xanuunnada faafa iyo kuwa khatarta ahba cidhib tirto”.

Ugu danbayn, Madaxweynaha, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuu kula dardaarmay inay xil iska saaraan howsha loo igmaday.