Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ee Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.
- Madaxweynaha ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, isagoo xusay in muhim ay tahay in laga wada qeyb qaato badbaadinta qaranka Iyadoo ay Madashu tahay mid u furan cidkastoo door ka qaadanaysa badbaadinta qaranka iyo sidii dalkan dhakhso uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay.i
Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka hadlayay munaasabaddii maanta waxa uu eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.
“Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,” ayuu yidhi Deni.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono wax walba oo horseedi kara “dib u noqosho.
“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in dalkoodu uu maanta hiil uga baahan yahay, in la ilaaliyo howshii lasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ee dowlad dhiska Soomaaliya loo soo amaamudayay oo maanta meel laga sii amba qaadi karo joogta. Madashan waa mid u furan cid kasta oo ay u muuqato waxa annaga noo muuqday ee ah oo rabta inay ku darsato sidii dalka looga badbaadin lahaa in uu dib u noqdo,” ayuu yiri Deni.