Madaxweyne Dani Oo Kaqeyb galay Xuska Sanad Guurada 21-aad ee Aas’aaskii Puntland

Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Puntlan Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland.

Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland.

Munaasibadda dabaaldegga xuska sanadguurada Puntland ee 01 Augusto ayaa kusoo idlaatay qorshigii iyo habmaamuuskii qorshaysnaa ee ay u diyaariyeen Guddiga qabanqaabada xuska maalintani.

Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa caawa lagu qaban doonaa munaasibad ballaaran oo ay Madaxda Puntland, kuwa Dowladda Federaalka, aasaasayaashii Puntland iyo shacabka halyeeyada ah ee Puntland ay kaga sheekayndoonaan taariikhda Guunka ah ee Puntland, Nebadda, xasiloonida, wadajirka iyo horumarka ay Puntland gaaray 21 sano kadib.