Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa uga gollahaa Korjoogtayna hawlaha shaqo ee ay hayaan xafiisyada taliska Guud ee ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo kala ah
Xarunta CID-da Puntland, Qaybta gobolka Nugaal iyo Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan kormeeray xafiisyada Taliska ciidanka Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiisha ciidanka Booliska, cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Madaxweynaha siiyey salaan sharaf iyo masuuliyiin kale, waxaana uu Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Taliye Xigeenka ciidanka booliska iyo saraakiisha ciidanka isagoo ka xog waraystay habsami u socodka hawlahooda shaqo.
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisemed Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey muhiimadda Kormeerka Madaxweynaha.
“Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeer ku sameeyey Taliska Ciidanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxa uu kormeeray Madaxweynuhu dhammaan xafiisyada Taliska ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal, Maxkamadda ciidamada qalabka sida, heer Gobol iyo heer Puntland-ba, qaybta hogaanka dembi baadhista CID-da, halkaasi oo aanu kala kulanay dhalinyaro ay tababareen ilaa haddana ay gacanta ku hayaan hay’adda Bank Kraft, kuwaas oo 20 qof ah, kuna soo bandhigay tababarka ay qaateen xarunta dhexdeeda si xirfadu ku jirto.