Madaxweyne Dani Oo lagu Soo dhoweeyay Gaalkacyo

MadaxweynahaDowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa inta aanay gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale wefdiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u ballaaran kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kalmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda “DAARU SALAAM” waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan”.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa ayaa ugu dambayn gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa wefdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayo leh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani.

“Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacyo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa”

“Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacyo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.