Madaxweyne Dani Oo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cbdullaahi Seni ayaa muddo 12 Saacadood gudahood ah sameeyay Magacaabis kala duwan,waxaana Maanta uu Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland.

Hoos Ka Akhriso Wareegto kazoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 35 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Siciid Faarax Maxamuud (Yare) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.