Madaxweyne Dani Oo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Sameeyay xil ka qaadis iyo magaacibis cusub.

1. S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo ahaa la taliyihiisii dhinaca Amniga ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

2. S/Guuto Axmed Cali Salaad waxaa loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

3. Siciid Maxamed Faahiye oo ahaa Guddoomiyihii Waxbarashada Degmada Qardho ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Karkaar.

4. Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

5. G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir waxaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

6. Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo horay Madaxweynihii hore ee Puntland gaas xilka oga qaaday ayaa mar kale loo magacaabay Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Waaberi Puntland.

7. Cabdicasiis Cilmi Yuusuf waxaa loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland.