Labadii maalmood ee la soo dhafay ayaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siuciid Cabdullahi Deni waxa uu ku sugan yahay Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland,hayeeshee Maanta la filayo in uu tago Magalada Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa ka hor safarka Boosaaso waxa uu sii mari doonaa degmooyinka Weeciye iyo Carmo & deegaamada hoosyimaada,waxaana uu uga sii gudbi doonaa Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee uu ku wajahan yahay.
Intii uu ku sugnaa Magaalada Khardho Madaxweyne Siciid Deni waxa uu kulamo la qaatay Maamulka iyo Bulshada Magaaladaas,waxana sidoo kale uu dhagax-dhigay, Garoon Kubadda cagta ah, Aargo,isaga oo sidoo kale booqday goobo waxbarasho.
Madaxweyne Siciid Cabdulalhi Deni ayaa markii uu tago Magalada Boosaaso waxa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo saraakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Amniga Puntland oo ku sugan Magaalada Boosaaso,isaga oo kala hadli doono xaalada amniga Boosaaso oo aan caga badan ku fadhin.