Madaxweyne Dani oo Safar Qarsoodi ah Ku Tegay Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si qarsoodi ah ugu ambabaxay safar uu ku tagayo waddanka Isutagga Imaaraatka Carabta. Safarkan aan si rasmi ah loo shaacin ayaa yimid xilli ay jirto taageero muuqata oo Dowladda Imaaraatka Carabtu siineyso maamulka Puntland.

Madaxtooyada Puntland oo sida caadiga ah faahfaahin ka bixisa safarada Madaxweynaha ayaan wax war ah kasoo saarin socdaalkan, taasoo sii xoojisay shakiga la xiriira ujeeddada dhabta ah ee safarka.

Safarka Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu horey Imaaraatka uga dhoofay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo isna si qarsoodi ah casuumaad rasmi ah uga helay dowladda Imaaraatka Carabta.

Labadan Madaxweyne oo ah xulufo siyaasadeed, isla markaana si cad uga soo horjeeda siyaasadaha Dowladda Federaalka, ayaa la sheegay in ay horay u yeesheen wada-xaajoodyo dhinaca khadka telefoonka ah, kuwaasoo ay kaga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo dadaallada ay ku doonayaan in ay cadaadis ku saaraan Dowladda Dhexe.