Madaxweyne Dani Oo Tababar U Soo xiray Ciidamo Cusub

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Maanta tegay Magaalada Boosaaso ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni oo Ciidamada la hadlay sheegay in looga baahan yahay inay qaataan doorkooda sugida Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish-ta la dagaalanta degaannada Puntland.