Madaxweyne Deni oo Daah-furay Xarunta Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta guud ee Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Puntland (PEC), taas oo loogu talagalay inay noqoto xarunta dhexe ee maamusha, isku-dubbarida, isla markaana hagta howlaha doorashooyinka Puntland.

Munaasabadda furitaanka xarunta cusub ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka, saraakiil dowladeed, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhismaha iyo furitaanka xaruntan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland, isla markaana sare loogu qaadayo awoodda hay’adaha qaabilsan maamulka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa xusay in Puntland ay ka go’an tahay sii wadidda geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, iyadoo la horumarinayo nidaamka doorashooyinka, lana xaqiijinayo in shacabka ay helaan fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Guddoomiyaha iyo xubnaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhankooda sheegay in xaruntan cusub ay fududeyn doonto shaqooyinka guddiga, ayna kaalin weyn ka qaadan doonto qorsheynta, diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyin hufan oo ku saleysan nidaam cadaalad ah.

Furitaanka xarunta PEC ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dimuqraadiyadda, iyadoo la doonayo in la horumariyo ka qeybgalka shacabka ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha hannaan doorasho oo joogto ah, xasilloon iyo mid shacabka Puntland ay ku yeeshaan door muuqda oo ku saabsan aayaha siyaasadeed ee deegaanadooda.