Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayay shirka ayaa ammaanay Maamulka Galmudug oo fidiyay gogosha shirkan, isagoo boggaadiyay dadaalka reer Galmudug u galeen inay xaliyaan arrimaha dhexdooda, wada hadal iyo wada xaajoodna la galaan deriskooda Puntland, isla markaana ay dhigaan Gogosha Qaranka, taasna ay muujineyso inay yihiin dad u taagan horumarka dalka uu maanta hiigsanayo.
Shirkaan ayuu xusay in Umadda Soomaaliyeed uu ka saari doono welwelkii ay ka qabeen in dalka aysan doorasho ka dhicin
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shirkaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaan sidii looga tashan lahaa doorashada soo socda.
Waxaa uu xusay in uu rajo qabo in lasoo afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Siyaasad jahweer ah ay ka taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay hanaan isku tashi oo fududeyn kara in horay loo socda.
Deni ayaa aad ugu dheeraan eedeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo looga bartay Sanadyadii ugu dambeeyay.
Madaxweynaha Puntland ayaa Farriin u diray Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in aysan shareysan Shirka ka socda Dhuusamareeb, islamarkaana tahay Shaqo laga rabay oo ay qabanayaan maamul goboleedyadda.
Madaxweyne Deni ayaa Caddeeyay in doorasho qof iyo Cod ah aysan muuqaan, laakiin looo baahan yahay in loo gudbo wixii fududeyn kara in doorasho dalka ka dhacdo.