Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee maamulka, xildhibaanno, isimada dhaqanka, culimada iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee Golaha, Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qaybgalay xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xeer Ilaaliyaha Guud, mas’uuliyiin ka tirsan garsoorka, isimada dhaqanka, culimada, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka kal-fadhiga, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay waxqabadkii Golaha muddadii u dhexeysay labadii kal-fadhi ee hore.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sharraxaad ka bixiyay doorka Baarlamaanka lixaad ee dhinacyada metelaadda shacabka, dejinta xeerarka, kormeerka hay’adaha dowladda iyo korjoogtaynta hawlaha kala duwan ee hay’adaha maamulka.
Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in Golaha Wakiilladu sii xoojiyo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, gaar ahaan dejinta sharciyada, ilaalinta danaha shacabka iyo la socodka habsami-u-socodka shaqada hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Wakiillada ka horjeediyay warbixinta waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhexeysay labadii kal-fadhi. Warbixinta ayaa qayb ka ahayd hawlaha la xiriira isla-xisaabtanka iyo soo bandhigista waxqabadka Xukuumadda.
Madaxweynaha ayaa ugu dambayn si rasmi ah u furay kal-fadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, isaga oo fulinaya waajibaadka ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Puntland.
Furitaanka kal-fadhigan ayaa Golaha Wakiillada u furaya fursad uu ku sii ambaqaado hawlaha sharci-dejinta, kormeerka hay’adaha maamulka iyo ka doodista arrimaha muhiimka u ah shacabka Puntland.