Madaxweyne Deni Oo Furay Kal-fadhigga 58-aad Ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, oo uu wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhigga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, munaasabad ay kasoo qeybgaleen madaxda sare ee dowladda, xildhibaanno, masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa dastuuriga ah ee furitaanka kal-fadhiga ku soo bandhigay waxqabadka dowladda ee muddadii u dhexeysay labada kal-fadhi, isagoo faahfaahiyay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, dhaqaalaha, maamulka iyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay deegaannada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda ee muddada soo socota, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, iyo dardargelinta hannaanka dowlad-dhiska Puntland.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale si weyn diiradda u saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo adag, isagoo ku dooday in muddo-xileedkii hay’adaha federaalka uu dhammaaday. Wuxuu dhaliilo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo hannaan aan waafaqsanayn heshiisyadii siyaasadeed iyo dastuurkii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay yeeshaan wadatashi dhab ah oo lagu badbaadinayo midnimada dalka, laguna gaarayo heshiis siyaasadeed oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada.

Munaasabadda furitaanka Kal-fadhigga 58-aad waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Abdirizak Ahmed Said, Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha, xubnaha Golaha Wasiirrada, saraakiisha Madaxtooyada, maamulka Gobolka Nugaal iyo Degmada Garoowe, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Kal-fadhigan cusub ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo sharciyo muhiim ah, arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo mudaneyaasha golaha ay door muhiim ah ka qaadan doonaan go’aannada la xiriira mustaqbalka Puntland iyo kaalinteeda siyaasadda Soomaaliya.