Madaxweyne Deni oo Guddoomiyey Shirka Tacliinta Sare ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Madaxtooyada Dowladda Puntland ku guddoomiyay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Guddiga Tacliinta Sare iyo bahda jaamacadaha Puntland. Shirkan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa tayada iyo horumarka tacliinta sare ee Puntland, iyadoo la adkaynayo wada-shaqaynta hay’adaha waxbarashada iyo hirgelinta qorshayaal lagu gaari karo nidaam waxbarasho oo tayo leh.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday qodobo muhiim u ah mustaqbalka waxbarashada sare ee Puntland. Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa dib-u-habaynta iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Guddiga Tacliinta Sare iyo bahda jaamacadaha Puntland, si loo helo isku-duwid iyo wada shaqayn wax ku ool ah oo kor u qaadda tayada waxbarashada. Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray kor u qaadista heerka tacliinta sare, horumarinta aqoonta tiknoolajiyadda casriga ah, xoojinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka, adkaynta nidaamka waxbarashada, iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka hagaya tacliinta sare si loo hubiyo in ardaydu helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa baahiyaha casriga ah.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, si loo soo saaro jiil aqoon leh oo leh xirfado iyo karti u suurtagelinaysa inay door muuqda ka qaataan horumarka dhaqaale, bulsho iyo teknoolajiyadeed ee Puntland. Ka qaybgalayaashu waxay isla garteen in horumarka waxbarashadu uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo maalgashiga aqoonta iyo kobcinta cilmi-baarista.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku boorriyey dhammaan hay’adaha waxbarashada, maamulka jaamacadaha iyo bahda aqoonyahannada Puntland inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan kobcinta aqoonta, xoojinta cilmi-baarista, horumarinta tiknoolajiyadda iyo dhismaha bulsho aqoon ku dhisan oo horseed u noqota mustaqbal ifaya iyo horumar waara oo ay Puntland gaarto. Wuxuu xusay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta waxbarashada sare, maadaama ay tahay saldhigga lagu dhisayo jiil karti leh oo kaalin mug leh ka qaata horumarka iyo barwaaqada dalka.