Madaxweyne Deni oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Garsoorka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxda hay’adaha Garsoorka Dowladda Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, Garyaqaan Xasan Yuusuf Nuur.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, Cabdirashiid Barkhadle Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Axmed Shiikh Cumar Xasan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan, xubnaha Guddiga Sare ee Garsoorka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobollada, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Darajada Koowaad ee degmooyinka iyo Xeer-ilaaliyeyaasha gobollada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hay’adaha garsoorka, dardargelinta howlaha laamaha caddaaladda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayada adeegyada garsoorka ee loo fidiyo bulshada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garsoor madax-bannaan oo hufan, isagoo xusay in caddaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso dowladnimo, amni iyo kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, madaxda hay’adaha garsoorka ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda garsoorka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay qorshayaal lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda iyo adeegyada garsoorka ee Puntland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ay ku xoojinayso hay’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor hufan, isla markaana shacabka loogu xaqiijiyo adeeg caddaaladeed oo tayo leh, degdeg ah, kana turjumaya ku dhaqanka sharciga.