Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Xarunta Cusub ee Taliska Booliska Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka duulaya qorshaha lagu horumarinayo loona tayeynayo hay’adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliiska, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Sanaag.
Xaruntan cusub oo loo dhisay si casri ah, ayaa qeyb ka ah barnaamijka ballaaran ee dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliiska Puntland, kaas oo ay Dowladda Puntland ka taageerayso Dowladda United Arab Emirates. Mashruucan ayaa la doonayaa in lagu xoojiyo awoodda booliiska, kor loogu qaado adeegga amniga, isla markaana lagu hagaajiyo kaabeyaasha hay’adaha fulinta sharciga.
Madaxweynaha ayaa xafladda furitaanka ka sheegay in dhismahan cusub uu yahay mid muhiim u ah sugidda amniga gobolka Sanaag, isla markaana uu muujinayo dadaalka dowladda Puntland ee ku aaddan dhismaha hay’ado amni oo awood leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha bulshada.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, saraakiisha Qeybta Booliiska Gobolka Sanaag, maamulka Gobolka Sanaag, maamulka degmada Badhan, iyo marti sharaf kale oo kala duwan.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in xaruntan cusub ay fududeyn doonto isku dubaridka howlaha booliiska, isla markaana ay sare u qaadi doonto tayada adeegyada amniga ee loo fidiyo shacabka gobolka Sanaag. Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhismahani uu ka qeyb qaato xoojinta xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha amniga, taas oo muhiim u ah sugidda xasilloonida iyo nabadda.
Ugu dambeyn, madaxda ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada lagu horumarinayo ciidamada amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar bulsho oo ka hana qaada dhammaan deegaanada Puntland.