Madaxweyne Erdogan oo Falastiin ugu baaqay in ay midoobaan si ay guul u gaaraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhinacyada siyaasadda isku khilaafsan ee Falastiin ugu baaqay in ay midoobaan si ay uga gudbaan xaaladaha adag ay wajahayaan shacabka ay metalaan.

Erdogan ayaa guul rasmi ah oo ay gaaraan falastiin sal uga dhigay in ay marka hore midnimo iyo iskaashi sameeyaan dhinacyada kala duwan oo kala qaybsanaantooda looga faaiidaysanayo si loo dhibaateeyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaiil Haniyah oo uu la kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayuu si toos ah ugu sheegay in aanay laga maarmin midnimo iyo wadajirka guud ahaan Falastiin.

Turkiga ayaa siyaasad ahaan waxa uu garab istaag xooggan u muujiyay falastiin, marar badan ayuu cod dheer waxa uu Erdogan ku garab istaagay Falastiiniyiinta isaga oo sheegay in aanay loo baahnayn in indhaha laga qabsado Dadkaas dhibaataysan.

Ruushka ayaa horay u sheegay in uu madal isugu gaynayo Dhinacyada siyaasadda ku kala qaybsan ee Falastiin si ay uga wadahadlaan qorshaha ay ku midoobi karaan si ay wadajir isaga dhiciyaan ciidanka Israaiil iyo xulufada garab taagan.