Madaxweyne Farmaajo aa la kulmay Safiirka Imaaraadka

Wakaaladda Wararka Imaaraadka ayaa sheegtay in uu jiray kulan gaar ah oo Villa Somaliya ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi.

Sida ay qortay wakaaladda WAM,  kulankan waxaa xoogga lagu saaray xiriirka labada dal iyo qaabkii lagu sii  horumarin lahaa.

Inta uu kulanka socday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dowladda Imaaraadka, shacabka iyo madaxdaba uga mahadceliyay sida Abu-dhabi uga taageerto Soomaaliya arrimo badan, isaga oo ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu salaan u diray madaxda Imaaraadka sida Madaxweynaha Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Sheikh Maxamed bin Rashid Al Maktoum, madaxweyne ku-xigeenka, ra’isul wasaaraha iyo xaakimka Dubia, waxaa kale dadka la xusay ka mid ahaa Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Dhinaca kale, Ambassador-ka Imaaraadka Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxa uu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan-qaaday in Abu-dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Muqdisho.