Madaxweyne Farmaajo & dhiggiisa Dalka Ciraaq Oo qadka taleefonka kuwada Xariiray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada-hadalo dhinaca qadka taleefonka ah la yeeshay Madaxwenaha dalka Ciraaq Barham Saalix,iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Farmaajo qoraal uu xalay soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku faah faahiyey qodobada uu kala hadlay Madaxweynaha dowladda Ciraaq oo kamid ah dalalka Carbeed.

“Waxaan khadka telefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha dalka Ciraaq walaalkay Barham Saalix. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka aan kula jirno ka hortagga COVID19 iyo in 2da dal ay yeeshaan khibrad is dhaafsi ku saabsan ciribtirka fikirka xagjirka ah.

Majirin xog faah faahsan oo Madaxtooyada Soomaaliya ay ka bixisay wada-hadallada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Ciraaq,hayeeshee qoraal Madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa hadalo dhaliil u badan uga falceliyey qaar kamid ah dadka ku xiran Bartiisa.

Dowladda Ciraaq oo kamid ah wadamada Carbeed ayaa waxaa muddo ka jiray dagaalo sokeeye,waxaana la aamisan yahay in xilligaan aysan jirin waxyaabo ay ka caawin karto Soomaaliya maadaama iyadaba u baahan tahay garab.