Madaxweyne Farmaajo oo Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka kadib Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaaho).

“Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Kulankan ayay sidoo kale masuuliyiintan iskula soo qaadeen ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Bishii July ee sanadkan sidan oo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh waxa ay kulan midkan la mid ah ku yeesheen magaalada Ankara, kadib markii Farmaajo uu halkaasi uga qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen oo dib loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga.