Madaxweyne farmaajo oo Booqasho ku tagaya dalka Eritrea

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu berri oo sabti ah booqan doono dalka Eritrea.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Casumaad ka helay Madaxweynaha dalka Eritrea.

Soomaaliya iyo Eritrea kama dhaxeeyo xiriir wanaagsan  waxaana dhowr jeer dowladda Eritrea lagu eedeeyay in ay taageerto Kooxo hubeysan oo ka dagaallama Soomaaliya.