Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka,