Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu kas oo qayb galay shirka 32-aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofur Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda IGAD, isagoo Madaxweynaha Dalka Koofur Suudaan, Salva Kiir oo ay si gaar ah u wada sheekeysteenna uu ku bogaadiyay sida ay Dowlad iyo mucaaradba u aqbaleen inay wada hadlaan.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay Soomaaliya garab taagan tahay Koonfur Suudaan, wuxuuna kula dardaarmay inay Labada dhinac ka wada faa’iideystaan fursadaha hor yaalla iyo sidii ay ugu bixi lahaayeen colaadda sokeeye.