Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka oo dib u dayatir lagu sameyn doono.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in tiyaatarka Qaranka lagu dhisi doono Ololaha Isxilqaan oo dhawaan ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Tiyaatarka oo ka mid ah meelaha taariikhda fog ku leh Soomaaliya.