Madaxweyne Farmaajo oo Digniin udiray Shirkaddaha Shisheeye

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka horjeedinaayay labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u jeediyay Shirkaddaha Shisheeye ee doonaayo in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay  Madaxweyne Farmaajo in dowladdiisa aysan marnaba aqbali doonin in Shirkaddo Shisheeye ay wax u dhimaan Madaxbaanidda Soomaaliya.

Cidkaste oo doonaysa in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in ay soo maraan sharciyadda u degsan dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan uga Digayaa Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye in aysan ku Xad gudbi karin Madaxbanaanida iyo Qaranimada Soomaaliya”

Dowladda Soomaaliya ayaa xusay in ay soo dhaweyn doonto cidii sameynaysa wax waafaqsan dastuurka, Shacabka Soomaaliyeedna dani ugu jirto.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kusoo aaday Xilli uu taagan tahay Khilaaf u dhaxeeya Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isugu tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, kasoo ka dhashay Dekedda Berbera.