Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa furaya kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka dalka.
Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kadib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo mudada ay jirto dowladda uu Madaxweynaha ka yahay waxyaabaha u qabsoomay.
Baarlamaanka Golaha Shacabka oo fasax galay 10-kii bishii July ee sanadkan balse maanta dib isugu soo laabanaya ayaa waxaa hor yaalla sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasi oo u baahan in la meel mariyo.