Madaxweyne farmaajo oo hadal muran dhaliyay kajeediyay Jubba sudaan

Muran badan ayaa ka dhashay Khudbad uu ka jeediyay dalka Suudaanta Koonfureed Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taasoo uu kaga hadlay Khilaafka Madaxda dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha uu u muuqday in sii xumeynaya Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u naqdiyay khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee ka dhanka aheyd maamul goboleedyada mar uu la hadlay BBC-da.

“Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto.

“Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dhankiisa sheegay in uu muujiyay hadalka Madaxweynaha Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda halka uu gaarsiisan yahay.

“Balse in madaxweynuhu halkaas ka soo diro fariimo xanaf leh oo muujinaya inuusan heshiis la ahayn siyaasiyiinta iyo maamulada dalkiisa ka jira, iyo ujeedada safarkiisu ma ahan wax isqabanaya , waana arrin tilamaan cad ka bixinaysa fahamka hogaanka dalkeenu halka uu joogo iyo in mas’uuliyaddii ka saarnayd isku haynta dadka iyo ka shaqaynta dib u heshiisiintooda in ay uga muhiimsanaatay socdaallo umado kale ku heshiinayaan iyo ficillo sii kala fogaynaya dadkooda oo ay qaadayaan” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Saacaddihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshadda qabsaday Hadalka Madaxweyne Farmaajo,maadaama aan horay looga baran in uu soo bandhigo aragtida uu ka qabo maamul goboleedyadda shaqadooda.