Madaxweyne farmaajo Oo hakiyay kulankii Golaha shacbka ay yeelen lahaayeen Maanta

Waxaa la hakiyay  kulankii mudanayaasha  Golaha Shacabka  ee loo ballansanaa maanta,kadib soo jeedin ka timid madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Maanta oo Sabti ayaa waxaa lagu waday in xildhibaanada Golaha Shacabka ay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka,balse uu kulankaasi gebi ahaanba la hakiyay kadib soo jeedintaasi oo ka timid Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tagi doonaan xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay gudan doonaan waajinka Saaraan.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xoogeysatay, maalmihii lasoo dhaafay.