Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan ciidda waxa uu u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxaa uu eebe uga baryay Muslimiinta taagan Banka Carrafo in rabbi ka aqbalo ruknigaas islaamiga ah waxaana shacabka uu sheegay in uu la wadaagayo farxadda maalmaha ciidul-adxa.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday howlgalada ciidamada dowladdu ay ka wadaan gobolada dalka gaar ahaana gobolka Sh/hoose oo deegaano muhiim ah ay ciidamadu kala wareegeen Al-shabaab.