Madaxweyne farmaajo Oo Ku Wajahan Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Maanta oo talaado ah in uu safar degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxo Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu salka ku hayo arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika,waxana uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Loolanka Siyaasadeed ee xilligaan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ayaa shaki geliyey Soomaaliya Socdaalka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo dalal ka mid ah kuwa Geeska Afrika.

Axadii la soo dhaafay ee todobaadkaan waxaa Shir saddex geesood ah magaalada Asmara ku yeeshay  Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya,waxaana taasi dad badani u arkaan culeys siyaasadeed oo soo wajahay Soomaaliya.

Qaban qaabada safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magalada Muqdisho,waxaana laxirayt wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Madaxtooyadda, iyada oo saacadaha soo socda uu Madaxweyne Farmaajo ka ambabixi doono Magalada Muqdisho.