Madaxweyne farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan gaar ah magaalada Brussels kula yeeshay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb. Micheal Keating.

Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa diirada lagu saaray, si aad ahna loogu falanqeeyay arrimaha ammaanka, Ganacsiga, Xalinta Khilaafaadka iyo hanaanka Doorashada 2020-ka.

“Waxaan magaalada Brussels kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), waxaanu ka hadalnay arrimaha u xeendaaban shirkan, waxaanu aad iskula soo qaadnay arrimaha ammaanka, Ganacsiga, Xalinta Khilaafaadka & Doorashada 2020-ka.” Ayuu yiri Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale oo arimaha Soomaaliya looga hadlayay wuxuu la qaatay Gudoomiyaha Nabadgelyada iyo amniga Midowga Afrika Ismael Chergue, waxayna ka wada hadleen xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Sida uu qorshaha yahay magaalada Brussels maanta waxaa lagu soo gaba gabeynayaa shirka Somali Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.