Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Bulshada Marka Iyo Guutada 14ka Oktoobar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoona howlgalkaas uu yahay mid  guud ahaan Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen Al Shabaab.