fbpx
Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo Oo kulan laqaatay jaaliyada Somaaliyeed ee kudhaqan Jubba suudaanka koofureed

Madaxweyne Farmaajo Oo kulan laqaatay jaaliyada Somaaliyeed ee kudhaqan Jubba suudaanka koofureed

Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta Koonfureed ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda dowlad goboleedyadda dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha maamulada ay ku fashilmeen in adeegyadda muhiimka ah ay gaarsiiyaan bulshadda ay maamulaan sidda Caafimaadka, waxbarashadda iyo Aruurinta Canshuuraha.

Farmaajo ayaa tilmaamay in maamulada ay ku mashquulsan yihiin Siyaasadda Arrimaha dibadda oo aysan waxba ka khuseyn, waxaana uu tilmaamay in tahay wax lala yaabo.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Madaxweynayaasha maamulada sidiiso kale ay doonayaan in ay la kulmaan Madaxda Caalamka ,taasina aysan aheyn muhiim.