Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isbedallada ka socda geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli doono xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaysa xubnaha Urur Goboleedka IGAD.