Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Sanatar Ka Tirsan Aqalka Odayaasha Ee Dalka Maraykanka+SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Sanatar Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoona ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto  Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.