Madaxweyne Farmaajo Oo lagu Soo dhoweyay itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa ay gaareen Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalkaItoobiya,waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaah iyo wafdiga ayaa Saacadaha soo socda waxa ay kulan la qaadan doonaan  Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed, sida ay shaaciyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Kulankooda ayaa waxaa ay uga hadli  doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka,waxaana xusid mudan in maalma kahor Addis Ababa uu tegay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo  khilaaf diblumaasiyadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu Maanta ku tagay Itoobiya oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu sabab u yahay Socdaalka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ku marayo dalal ka mid ah kuwa Geeska Afrika,iyada oo loo arko mid Kenya ay ku wiiqeyso Isbaheysiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya.