Madaxweyne farmaajo oo Qaabilay Wakiilka QM & Safiirka Britain

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Dhankooda Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxaa ay balan qaadeen inay siweyn ula Shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya,isla markaana ay taageero siin doonaan.

Shalay ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxaa uu la kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.