Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa uu munaasabad Casho ah ugu qabtay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo shalay soo gaaray Muqdisho.
Inta ay munaasadda socotay ayaa waxaa dhex-maray wada-hadallo gaar ah oo ay uga hadleen xaalada dalka tabashada ay ka qabaan qodobada shirkii Magaalada Dhuusamareeb oo labada Madaxweyne aysan ka qeyb-gelin.
Sidoo kale dhinacyada ayaa waxaa ay kulankooda uga hadleen qabsoomida kulan gaar ah oo Maanta dhex-maraya kaas oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ee Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay horay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3, iyaga oo sidoo kale kasoo horjestay qodobadii kasoo baxay, taas oo keentay inay yimaadaan Magaalada Muqdisho.