Madaxweyne farmaajo Oo Saaka u Anba baxaya dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu booqasho ku tagayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Safarka Madaxweynaha waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, iyada magaalada Jabuuti looga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay safarka Madaxweynaha inuu salka ku hayo sii xoojinta xiriirka soo jireenka ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.