Madaxweyne Farmaajo Oo Shir uga qeyb gelaya Dalka Masar

Magalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan,waxana shirkaasi Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Shirka oo uu soo qaban qaabiyey Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi,sidoo kalena ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa ka qeyb galaya Soomaaliya Koofur Afrika Rwanda  iyo Chad, kuwaas oo ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas,waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka garab istaagay xilliyadii adkaa ay soo mareen dowladda iyo Shacabka Reer Suudaan.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.