Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Saaray Xeer Uu Ku Abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka(Warsaxaafadeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magacaabay guddiga Dhaqaalaha Qaranka Ka dib markii uu soo saarey Xeer uu ku abuurayo.

Xeerka uu Madaxweynaha soo saarey ayaa ku taariikheysan 12 Bishan July, waxaana lagu sheegay in Xeerkaan uu Madaxweynaha soo saarey,isaga oo cuskanaya qodobka 87aad iyo 90aad ee Dastuurka KMG, ka dib tallooyin ay u soo jeediyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Xubnaha Golahaan uu ka kooban yahay ayaa kala ah, Guddi hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada, Madaxda dowlad Goboleedyada, shan xubnood oo la taliyeyaal qaran ah iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Hoos Ka Akhriso xeerka uu soo saaarey madaxweynaha Soomaaliya.