Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday dalka Ereteriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ereteriya Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan wafdiga Ereteriya ku soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa daba socda safarkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ay ku tageen magaalada Asmara dabayaaqadii bishii hore, halkaas oo ay labada Madaxweyne ku kala saxiixdeen heshiis lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal.

Qodobbadii ay labada Madaxweyne ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in labada dal ay si rasmi ah u yeeshaan xiriir  dibloomaasiyadeed oo asaaskiisu yahay in la isweydaarsado safaarado iyo dibloomaasiyiin iyo in laga shaqeeyo, lana dhammaystiro hirgelinta qorshaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga socdaalka ay ku yimaaddeen Muqdisho, waxa uuna xusay mudnaanta uu iskaashigu u leeyahay horumarka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in dalalka Geeska Afrika aanay sinnaba u kala maarmi karin maadaama oo ay dano badan isaga xiran yihiin, wuxuuna ballanqaaday in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa dalalka Geeska Afrika.