Madaxweyne Farmaajo Oo Xariga Ka Jaray wadooyin Muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta laba Wado oo Muhiim u ah Caasimada Xariga ka jaray.

Wadooyinka uu xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa dib u dhis ku sameeyay maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa kala ay qeybiyaan degmooyinka Cabdicasiis iyo Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Sdioo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mid kamid ah Wadooyinkii uu xariga ka jaray uga magac daray Abwaan Cabdullahi Sultan Timada Cadde,waxaana ay qayb ka tahay Wadada dhawaan maamulka Gobolka Banaadir dib u Dhis uu ku sameeyay.

Munaasabadda Xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.